Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Doceedyo Muhiim ah la yeeshay Dhigiisa Jabuuti iyo Aljeeriya

0

BAQDAAD, 16 May 2025 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta kulan doceedyo miro-dhal ah la yeeshay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Aljeeriya, xilli uu ku sugan yahay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

 

Kulamadan oo ka dhacay hareeraha shir madaxeedka Jaamacadda Carabta, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale, labada dal ee walaalaha ah ayaa mar kale muujiyay taageeradooda buuxda ee ku wajahan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xasilloonida, nabadda, iyo horumarka dalka.

Wasiir Cabdisalaam ayaa kulammada kadib sheegay in wada-hadalladaasi ay muujinayaan xiriirka qotada dheer iyo walaaltinimada ka dhaxaysa Soomaaliya, Jabuuti, iyo Aljeeriya, isaga oo xusay in laga sii shaqeyn doono iskaashi joogto ah oo ku dhisan danaha wadajirka ah ee gobolka iyo guud ahaan dunida Carabta.

Kulammadan ayaa qeyb ka ah dadaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku xoojiso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

May be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people, suit and daisMay be an image of 6 people, dais and text that says "2 ロ国"May be an image of 3 people, dais, the Oval Office, newsroom and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 11 people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here