MUQDISHO – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho kulan rasmi ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Jabuuti, Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dal ee danaha wadaaga ah.
Intii uu socday kulanka, labada wasiir ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhanka amniga, xasilloonida gobolka, iyo arrimaha caalamiga ah ee labada dal ay ka wada shaqeynayaan.
Labada wasiir ayaa isla qaatay in muhiimadda ugu weyn ay tahay in si dhow loo wada shaqeeyo si loo horumariyo nabadda, horumarka iyo barwaaqada guud ee Geeska Afrika.
Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasaaradood ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.
Heshiiskan ayaa dhisaya hannaan rasmi ah oo lagu yeelanayo wadahadal joogto ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, isagoo xoojinaya iskaashiga diblomaasiyadeed iyo horumarinta mudnaanta labada dal ee heer gobol iyo heer caalami.
Soomaaliya iyo Jabuuti, oo leh xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, dhaqan iyo walaaltinimo, ayaa sii wada dhisidda iskaashigooda soo jireenka ah.
Labada dal ayaa si joogto ah uga shaqeynaya wada-shaqeyn iyo isu soo dhowaansho, iyagoo mar walba xoojinaaya xiriirkooda labada dhinac.




