Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

0

Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Kala Guurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), Danjire James Swan.

 

Danjire Swan ayaa ugu horrayn Wasiirka ugu hambalyeeyay magacaabistiisa cusub, isagoo muujiyay kalsoonida iyo taageerada Qaramada Midoobay ee ku aaddan xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay qorshayaasha xilliga kala guurka ee howlgalka UNTMIS, iyadoo la adkeeyay muhiimada horumarinta dowlad wanaagga, geeddi-socodka doorashooyinka, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo sii xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Wasiir Cabdisalaan ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Danjire Swan dadaalka iyo taageerrada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo xiriirka dhow ee labada dhinac si loo horumariyo nabadda, xasilloonida iyo dowlad-dhiska dalka.

May be an image of 3 people and textMay be an image of 5 people, dais, newsroom and textMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 3 people, dais and newsroomMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 2 people and newsroom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here