Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Muqdisho kula kulmay Ku-Xigeenka Safiirka Mareykanka

0

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ku-Xigeenka Safiirka Mareykanka, Chargé d’Affaires Justin Davis.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, is-dhexgalka siyaasadeed, iyo isku-duwidda diblomaasiyadeed ee lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Mareykanka u aragta saaxiib istaraatiiji ah oo muhiim ah, iyadoo taageeradiisa joogtada ah ee dhinacyada bani’aadannimada iyo amniga ay door weyn ka qaadaneyso xasilloonida dalka iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.May be an image of one or more people and daisNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here