Wasiirka arrimaha dibadda oo wada-hadal la yeeshay dhiggiisa Hungary

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wadahadal khadka teleefoonka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Hungary Péter Szijjártó.

Wasiir Cabdisaciid ayaa yiri ” waxaa ii farxad ah inaan la hadlo Mudane Péter Szijjártó, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Hungary oo ii damaanad qaaday in ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashadooda u hakatay qalalaasaha Ukraine la siin doono fursado waxbarashadooda ay uga sii wataan Jaamacadaha Hungary iyo deganaansho”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Waxa aan ku heshiinnay in si dhow ula socodsiiyo Wasiir Péter Szijjártó xaaladda ardayda Soomaaliyeed iyo arrimaha kale ee la xiriira. Waxa aan hiigsanaynaa inaan sare u qaadno , qota-dheereyno iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Hungary”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here