Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Kala Hadlay Adkeynta Madaxbannaanida Dalka

0

MUQDISHO – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Isniintii wadahadal laba geesood ah oo fogaan-arag ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed, Mudane Dr. Cho Hyun.

 

Intii uu socday wadahadalkan, labada wasiir ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed. Waxa ay sidoo kale dib u eegis ku sameeyeen arrimo dhowr ah oo dan wadaag ah, oo ay ka mid yihiin joogitaanka ciidamada badda ee Kuuriyada Koonfureed ee Gacanka Cadmeed iyo horumarrada guud ee ka jira heer gobol iyo heer caalami.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed, Dr. Cho Hyun, ayaa mar kale xaqiijiyay ixtiraamka buuxa ee Dowladda Kuuriyada Koonfureed ay u hayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale adkeeyay sida ay dowladda Kuuriyada Koonfureed uga go’an tahay ku-dhaqanka sharciga caalamiga ah, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka kale, iyo xoojinta iskaashiga ku saleysan is-ixtiraam iyo dan wadaag.

Wadahadalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed, kor u qaadista iskaashiga caalamiga ah, iyo ilaalinta madaxbannaanida qaranka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here