Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Jeddah kula Kulmay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Falastiin

0

Jeddah — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa fiidnimadii Sabtida magaalada Jeddah kula kulmay Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Dowladda Falastiin, Dr. Varsen Aghabekian Shaheen, kulan ka dhacay dhinaca shir gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo looga hadlayay xaaladaha ka taagan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Intii uu socday kulanka, labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrinta aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay ku  aqoositay dalka madaxnaan maamulka soomalilamd. Waxay si cad u diideen tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ku dhaqanka sharciga caalamiga ah, iyaga oo muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan dhammaan dadaallada lagu doonayo in lagu ilaaliyo wadajirka qaran, laguna xoojiyo xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.

Kulankan ayaa qeyb ka ah wadatashiga iyo iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Falastiin, gaar ahaan arrimaha la xiriira difaaca madaxbannaanida dalalka, ilaalinta midnimada dhuleed, iyo iskaashiga heer gobol iyo heer caalami.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here