Johannesburg – Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay, oo safar rasmi ah ku jooga dalka Koonfur Afrika, ayaa booqasho sharafeed ugu tagay Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Mudane Thabo Mbeki.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah kulamo rasmi ah oo Wasiirka Arrimaha Dibadda uu la yeelanayo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Koonfur Afrika iyo hoggaamiyeyaashii hore ee dalkaasi, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Intii uu kulanku socday, Wasiir Cabdisalaan Cali Dhaay iyo Madaxweyne hore Thabo Mbeki ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo garab istaag diblomaasiyadeed.
Labada dhinac ayaa si gaar ah u xusay doorkii muhiimka ahaa ee Koonfur Afrika ay ka qaadatay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dib-u-heshiisiinta, iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal, isagoo tilmaamay fursadaha iskaashi ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha diblomaasiyadda.
Dhankiisa, Madaxweyne hore Thabo Mbeki ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta mustaqbalka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, si loo horumariyo danaha wadaagga ah ee labada shacab.






