Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Masar + Sawirro

0

QAAHIRA (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa Magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry.

 

Labada wasiir ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado wadaagga labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale waxaa kulankan diiradda lagu saaray dhinacyo badan oo muhiim ah sida dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, dhaqanka, tababbarada, caafimaadka, duulimaadka iyo bankiyada, waxaa sidoo kale lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha geeska afrika, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here