Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo soo dhaweeyay dhiggiisa Masar + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashisha Caalamiga ah ee XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Badar Cabdulcaadi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

 

Wasiir Fiqi oo Shir-Jaraa’id qabtay ayaa faah faahiyay muhiimadda ay tallaabadan u leedahay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay in bilaabista duullimaadyadan tooska ah ay qayb ka qaadanayso xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Wadan.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doorka hormuudka ah ee Masar ay ka ciyaareyso taageeridda mowqifka dowladda Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in Masar ay sii wadi doonto ka hortagga tallaabooyin kasta oo hoos u dhigaya madax-banaanida dalka.

“Jamhuuriyadda Masar ayaa ku celisay mowqifkeeda diidmada xadgudubyada Itoobiya, kaddib wadahadal toddobaadkii hore khadka taleefonka ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Duulimaadka Tooska ah ee diyaaradda Egypt Air ee la daahfuray ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka sare u qaadida iskaashiga dhaqaale ee labada dal, taasoo ka tarjumaysa himilooyinka guud ee labada shacab ee walaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here