Muqdisho — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Abdisalam Abdi Ali, ayaa maanta khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, H.E. Sheikh Jarrah Jaber Al-Ahmad Al-Sabah.
Intii uu socday wadahadalka, Wasiir Abdisalam ayaa u gudbiyay hambalyo iyo bogaadin ku aaddan magacaabista Wasiir Sheikh Jarrah, isaga oo muujiyay rajo iyo kalgacal la xiriira xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal.
Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga iyo xiriirka istaraatiijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya iyo Kuwait, isaga oo uga mahadceliyay Dowladda Kuwait taageerada iyo garab-istaagga joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.
Labada wasiir ayaa sidoo kale isla qaatay in la sii wado is-xiriirka dhow iyo wadatashiga joogtada ah, isla markaana la qorsheeyo kulamo heerar kala duwan ah si loo sii dardargeliyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.



