Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Muuse Jaamac Cali, Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, amniga iyo iskaashiga gobolka, gaar ahaan dadaallada lagu taageerayo xasilloonida Koonfurta Suudaan iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Ergeyga Gaarka ah ee IGAD ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya doorashadeeda kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, isaga oo ku ammaanay doorka muuqda ee ay ka qaadanayso horumarinta nabadda iyo amniga qaaradda Afrika. Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay taageerada ay Soomaaliya siiso xasilloonida iyo koboca dhaqaale ee Koonfurta Suudaan, iyada oo loo marayo iskaashiga goboleed iyo xiriirka wadajirka ah ee dalalka Bariga Afrika.
Wasiir Cabdisalaan ayaa dhankiisa adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee ku aaddan nabadda gobolka iyo tan qaaradda, wuxuuna ballanqaaday in la sii xoojin doono wada-shaqeynta iyo isku-duwidda IGAD iyo la-hawlgalayaasha gobolka si loo gaaro amni iyo horumar waara.





