ANKARA – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, isagoo ku tilmaamay “musiibo weyn” isla markaana ku eedeeyay Israa’iil inay raadinayso dano gaar ah oo lagu ballaarinayo colaadaha Bariga Dhexe lana gaarsiinayo Geeska Afrika.
“Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland inuu yahay masiibada ugu weyn ee ku dhici karta Somaliland,” ayuu yiri Fidan. “Arrintani waxay isu rogi kartaa musiibo weyn oo ku dhacda bulsho Muslim ah ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah. Qofna ma aqoonsana, marka laga reebo Israa’iil,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Wasiirka ayaa ku dooday in Israa’iil ay dano istiraatiiji ah ka leedahay Somaliland, isla markaana ay rabto inay u adeegsato dhulkaas sidii marin ay ugu wareejiso xiisadaha gobolka, gaar ahaan kuwa la xiriira colaadaha Bariga Dhexe, una soo gudbiso Geeska Afrika.
Fidan ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay weli haysato fursad ay dib ugu fiirsato xiriirkeeda ay la yeelanayso Israa’iil, isagoo xusay in inta badan beesha caalamka ay ka sii jeesanayso Israa’iil kaddib go’aanno ay ku dhawaaqeen Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.
“Somaliland cid kale ma aqoonsana marka laga reebo Israa’iil, taas oo iyaduna leh dano gaar ah isla markaana dooneysa inay xaaladda u adeegsato ujeeddooyin siyaasadeed oo goboleed,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.
Hadallada Fidan ayaa imanaya xilli Ankara ay isku muujinayso hoggaaminta dalalka ka soo horjeeda ku xadgudubka Israa’iil ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Netanyahu uu ku dhawaaqay in Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan oo ka go’an Soomaaliya.




