MUQDISHO (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, kadib qoraal uu soo saaray.
Wasiirka ayaa sheegay inuu isagu go’aansaday inuu shaqada ka tago, si uu waqti iyo madax banaani ugu helo ololoaha uu ugu jiro doorashada madaxtinimo ee Puntland.
Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Golaha Wasiirada oo ay soo wada shaqeeyeen muddo ku dhow sanad iyo bar.
“Bismilaah. Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen” ayuu ku yiri is casilaadiisa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.
Halkan hoose ka akhriso:-