Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta oo gaaray Laascaanood

0

Laascaanood, Soomaaliya – Subaxnimadii maanta, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Hoosh), ayaa soo gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa si diirran ugu soo dhoweeyey mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka SSC-Khaatumo, saraakiil ciidan, iyo qeybaha bulshada rayidka ah. Booqashadan ayaa ah mid muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto dhameystirka geedi-socodka dhismaha rasmiga ah ee dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo.

Wasiir Cali Hoosh ayaa la filayaa inuu kulammo la yeesho madaxda deegaanka, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo dhammeystiro wejiga ugu dambeeya ee nidaamka dhismaha maamulka cusub, taas oo qeyb ka ah qorshaha dowlad-dhiska dalka iyo ballaarinta federaalka.

Mas’uuliyiinta heer gobol ayaa ku tilmaamay booqashada wasiirka mid “taariikhi ah” oo muujineysa sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in ay dhageysato codka shacabka SSC-Khaatumo, una oggolaato inay si buuxda uga mid noqdaan nidaamka federaalka ah ee dalka.

Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo SSC-Khaatumo ay muddooyinkii u dambeeyay ku howlanayd dhisidda hey’adaha maamulka iyo xoojinta nabadda ka dhalatay dagaalladii dhowaan dhacay ee gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here