Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya: Ma jiraan ciidamo Jubbaland ah oo ku sugan Mandheera

0

Mandheera, 4 September 2025 – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Onesimus Kipchumba Murkomen, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay wararka isa soo taraya ee sheegaya in ciidamo ka tirsan Jubbaland ay ku sugan yihiin gudaha degmada Mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya.

 

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta gudaha Kenya ayaa sheegay in dowladda aysan haynin wax caddeyn ah oo muujinaya jiritaanka ciidamadaas. “Haddii ay jiraan, waan ogaan doonaa, balse hadda ma hayno war rasmi ah. Amniga Mandera waa mid deggan, wax khatar ah oo muuqata ma jiro,” ayuu yiri.

Murkomen ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in iskuullo la xiray sababo la xiriira cabsi amni. Wuxuu sheegay in dhammaan adeegyada bulshada ay si caadi ah u shaqeynayaan, isla markaana aysan jirin wax xaalad degdeg ah oo laga baqayo.

“Waa wax laga sameeyay siyaasadda mucaaradka iyo dad aan xog rasmi ah haysan,” ayuu yiri Wasiir Murkomen, isagoo tilmaamay in arrintan ay tahay war la buunbuuniyay oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Wuxuu sidoo kale caddeeyay in xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid adag oo ku dhisan iskaashi iyo derisnimo. “Kenya iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan. Ma jirto wax dhibaato ah oo noo dhaxeeya,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay warar aan la xaqiijin karin ay baraha bulshada ku faafiyeen sheegaya in ciidamada Jubbaland ay ku sugan yihiin gudaha Mandera, taasoo dhalisay hadal hayn badan oo bulshada qaybo ka mid ah ay walaac ka muujiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here