MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Xoosh Jibriil, ayaa wareegto rasmi ah ku magacaabay guddi ka kooban siddeed xubnood oo ka shaqeyn doona howlaha dhismaha maamulka SSC-Khaatumo.
Sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska Wasiirka, Dr. Axmednuur Maxamed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga, halka Cabdinasiir Xaaji Maxamed loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka.
Xubnaha kale ee guddiga ka midka ah ayaa kala ah:
-
Axmed Shire Axmed
-
Carafaat Cali Maxamed
-
Axmed Yuusuf Maxamuud
-
Rufaci Maxamed Salaad
-
Maxamuud Siciid Nuur
-
Fadumo Cabdi Cali
Guddigan ayaa yeelan doona masuuliyad la xiriirta talo-bixinta iyo fududeynta dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, isku xirka hay’adaha heer federaal iyo kuwa deegaanka, iyo diyaarinta warbixino joogto ah oo loo gudbinayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Wareegtada ayaa sidoo kale xustay in mudada shaqada guddigu ay socon doonto ilaa dhamaystirka rasmiga ah ee maamulka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo.
Magacaabista guddigan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha maamullo deegaan oo sal ballaaran u leh bulshada, kuna saleysan wadahadal, iskaashi, iyo dib u heshiisiin.




