Wasiirka arrimaha gudaha oo qaabilay wafi ka socda Hay’adda WFP + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yusuf Cali -Xoosh ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay  maxada iyo kuxigeenka xafiiska hey’adda WFP ee Soomaaliya.

 

Kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa Inta uu socday waxaa laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin howlaha Bani’aadnimada iyo sida gargaar loo gaarsiinayo deegaannada dhowaan la xoreeyey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudana Cali Xoosh ayaa bogaadiyey howlaha WFP ay ka waddo guud ahaan Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in la hubiyo sidii gargaarka u heli lahaayeen bulshada kuwooda ugu mudan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here