Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Ali Yusuf Ali – Xoosh, ayaa ka qeybgalay Shirweynaha 1aad ee Guddiga Sare ee Difaaca, oo looga hadlayay horumarinta amniga iyo difaaca qaranka.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirro ka socda dowladda federaalka ah, hoggaanka sare ee hay’adaha amniga, iyo sidoo kale wakiillada safaaradaha iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera ajendaha qaran ee amniga iyo difaaca Soomaaliya.
Shirkan ayaa lagu soo bandhigay guulaha dowladda Soomaaliya ee dhinaca amniga, waxaana lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin:
Xoojinta wada-shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda,Isku-duwidda taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya,Horumarinta mudnaanta wadajirka ah ee lagu xoojinayo amniga qaranka, xasilloonida, iyo adkeysiga dowladnimada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in shirkan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo dowladnimada xooggan iyo amni waara, isla markaana lagu xoojinayo iskaashiga dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah.






