Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo la kulmay odayaasha dhaqanka Awdal

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa xafiiskiisa kula yeeshay kulan kala warqaadasho iyo xog wareysi ah Odeyaasha dhaqanka Awdal oo soo gaaray caasimadda Muqdisho iyo Siyaasiyiinta kumatasha goleyaasha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Odeyaasha dhaqanka Awdal ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha uga warbixiyey xaaladda dadka iyo deegaanka Awdal iyagoo oo muujyay jacayllka ay ku hayaan dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa qeybaha bulshada ee Awdal ku ammaanay Wadaniyadda iyo sida ay mar weliba u difaacaan dalka iyo dadka, waxaana uuna adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay garab istaagga reer Awdal iyo dhiirigelinta iskuheynta dalka iyo midnimada bulsho iyo mid dhuleed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here