MUQDISHO – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo ka mid ah guddiga wadahadallada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay wehliyaan xubno ka tirsan Guddiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay guddi matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay culimo, odayaal dhaqameed iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah, iyadoo diiradda lagu saaray is-weydaarsi ku saabsan heerka diyaar-garowga gogosha wadahadallada qaran iyo doorka bulshada ee geeddi-socodka wada-xaajoodka.
Kulanka oo ku qabsoomay jawi isfahan, is-ixtiraam iyo wadashaqeyn, ayaa lagu falanqeeyay warbixinno la xiriira habsami u socodka diyaargarowga, caqabadaha jira iyo talooyinka ay bulshada ka soo jeedinayaan hanaanka wadahadallada.
Guddiya diyaargarowga shirka wadahadallada ayaa uga mahadceliyay culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan arrimaha masiiriga ah ee dalka, iyagoo carrabka ku adkeeyay in talooyinkooda iyo aragtiyahooda si buuxda loo tixgelin doono inta lagu jiro geeddi-socodka wadahadallada.
Kulamadan wadatashiga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo midnimada, wada-hadalka iyo ka-qeybgalka bulshada si loo gaaro mustaqbal siyaasadeed oo loo dhan yahay.






