Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Ka Qayb Galay Shirka Guddiga Fulinta Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)

0

Geneva, Switzerland — Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam Abubakar, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galay furitaanka Shirka 158aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

 

Shirkan, oo la qabto sanadkiiba mar, ayaa ah madal muhiim ah oo lagu dejiyo jihada, go’aamada iyo siyaasadaha hannaanka caafimaadka adduunka, iyadoo lagu falanqeeyo caqabadaha caafimaad ee caalamka iyo xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah hay’adda.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah 34-ka dowladood ee xubnaha ka ah Guddiga Fulinta (Executive Board) ee WHO, taas oo muujinaysa kaalinta firfircoon iyo codka ay Soomaaliya ku leedahay go’aannada heer caalami ee la xiriira caafimaadka adduunka.

Ka qaybgalka Wasiirka Caafimaadka iyo wafdigiisa ayaa xoojinaya doorka hoggaamineed ee Soomaaliya ee arrimaha caafimaadka, iskaashiga caalamiga ah, iyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo danaha iyo baahiyaha caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

May be an image of newsroom and textMay be an image of one or more people, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here