Wasiirka caafimaadka XFS oo shir muhiim ah ka furay Dooxa + Sawirro

0

DOOXA (SMN) – Wasiirka Caafimaadka XFS ahna Guddoomiyaha shirweynaha RC70 ayaa Magaalada Doha ee dalka Qatar ka furay kulanka RC71.

 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS ahna Guddoomiyaha shirweynaha 70-aad ee Hey’adda Caafimaadka Aduunka WHO/EMRO H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa Doha ka furay kulanwaynaha 71-aada ee (RC71).

Shirweynaha ayaa sanadkaan diiradda lagu saarayaa horumarinta Caafimaadka dalalka ku mideysan WHO/EMRO, iyadoo Soomaaliya ay ka tahay xubin firfircoon.

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji Adam ayaa khudbad uu jeediyay kaga hadlay dadaalada ay Dowlada Soomaaliya ugu Jirto horumarinta Caafimaadka iyo caqabadaha Jira, isagoo madaxda Gobolka ku baraarujiyay in gurmad Caafimaad la gaarsiiyo dalalka ay shaqaaqooyinku ka jiraan oo ay ka mid yihiin Sudan, Lebanon, Gaza iyo Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here