Muqdisho, Soomaaliya — Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin taageerada Dowladda Shiinaha ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, xaaladda abaaraha dalka ka jira, iskaashiga dhinaca dib-u-habeynta cadaaladda, iyo dhisidda awoodda hay’adaha garsoorka.
Safiirka Dowladda Shiinaha ayaa adkeeyay taageerada joogtada ah ee dalkiisu u hayo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo xusay in Shiinuhu uu sii wadi doono garab istaagga dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.
Dhankiisa, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, kobcinta kalsoonida siyaasadeed, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, si loo sii ambaqaado xiriir saaxiibtinimo iyo wada-shaqeyn qoto dheer.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah.






