Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo Bogaadiyey Ansixinta Heshiisyada Horumarinta Badda

0

Muqdisho — Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Maxamed Nuur, ayaa si weyn u bogaadiyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ansixinta heshiisyo muhiim ah oo la xiriira horumarinta badda iyo badmaaxiinta Soomaaliyeed.

 

Wasiirku ayaa sheegay in heshiisyadan ay door weyn ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga caalamiga ah, ilaalinta badqabka badda, kor u qaadidda sumcadda iyo kalsoonida caalamiga ah ee dalka, iyo sidoo kale dhowrista xuquuqda shaqaalaha badda Soomaaliyeed.

Mudane Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin siyaasadda guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta arrimaha badda iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, isaga oo xusay muhiimadda ay leeyihiin heshiisyadu si loo helo nidaam badeed oo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa uga mahadceliyey madaxda sare ee dalka dadaalkooda, aragtidooda fog, iyo taageerada joogtada ah ee lagu xoojinayo dowlad-wanaagga, kalsoonida caalamiga ah, iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here