Wasiirka Dekedaha oo La Kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

0

MUQDISHO [SMN] — Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Amb. Alper Aktaş.

 

Kulanka labada masuul ayaa diiradda lagu saaray qorshayaal lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarinta dekedaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo kabanaya burburka ka dhashay dagaallada iyo xaaladaha adag ee dalka soo maray.

Safiirka Turkiga, Amb. Alper Aktaş, ayaa xaqiijiyay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay ka taageerto Soomaaliya sidii loo gaari lahaa himilooyinka horumarinta dekedaha, iyadoo la adeegsanayo khibradaha iyo farsamooyinka Turkiga ee la xiriira maamulka dekedaha.

Inta lagu guda jiray kulanka, waxaa sidoo kale la isla gartay in Wasaaradaha Dekedaha ee Turkiga iyo Soomaaliya ay sii xoojiyaan iskaashiga, si loo horumariyo kaabayaasha dekedaha dalka, oo ay ku jiraan casriyeynta qalabka dekedaha, tababarka shaqaalaha, iyo taageerada farsamo ee dhinacyada maamulka iyo hawlgalada dekedaha.

Kulanka waxa qayb ka ahaa Ahmet Sami, oo ka tirsan maamuladda Shirkadda Albayrak, shirkad Turkiga laga leeyahay taasoo mas’uul ka ah horumarinta dekedda Muqdisho.

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa soo dhoweeyay taageerada Turkiga iyo ballanqaadyada la xiriira horumarinta dekedaha Soomaaliya, isagoo xusay in taageeradaasi ay muhiim u tahay soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha muhiimka ah ee dekedaha, kuwaas oo saameyn weyn ku leh isku socodka ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here