Wasiirka difaaca Kenya oo soo gaaray magaalada Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Dalka Kenye Mudane Aadan Barre Ducaale.

 

Labada dhinac ayaa gali doona wadatashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardargalinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Aadan Barre Ducaale ayaa inta uu joogo Muqdisho waxa uu la  kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda oo uu kala hadli doono arimaha ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here