Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga iyo Difaaca

0

Muqdisho — Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta wada shaqeynta dhinacyada amniga iyo difaaca, gaar ahaan taageerada ay Shiinuhu siiso Soomaaliya ee ku aaddan dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiir Fiqi ayaa warbixin ka siiyay danjiraha guulaha ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee saaxiibada caalamka ku leeyihiin taageerada iyo awoodsiinta ciidanka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay nabadda iyo amniga guud ee gobolka Geeska Afrika, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada shaqeynta istaraatiijiga ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hambalyo u diray Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, gaar ahaan Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, munaasabadda Sannadka Cusub ee Shiinaha, isagoo u rajeeyay sanad barwaaqo iyo horumar leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here