Wasiirka Gaashaandhigga oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Shiinaha + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang Yu ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlay xiriirka iyo taageerada hanaanka dib-u-dhiska dawladeed ee ka socda Soomaaliya gaar ahaan dhisidda awoodaha istiraatijiyadeed ee difaaca.

 

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang Yu ayaa ku bogaadiyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed horumarinta iyo dadaalka xoogan ee dib u xoreynta, soo celinta aminiga iyo dib u dhiska  Dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha kaalintooda ku aaddan taageerada Joogatada ah ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here