Wasiirka gaashaandhigga oo booqday ciidamada ku jira Xerada Jeneraal Gordan

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa tagay Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo tababaro uga socday Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Wasiirka oo khudbad dhiirigelin ah u jeediyay ciidamada ayaa xasuusiyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan khataraha wax u dhimaya amniga, wuxuuna yiri “Cadowgeena gudaha ah iyo kan dibadda intaba waa inaan u diyaar garownaa.”

Wasiir Jaamac waxa uu sidoo kale taabtay damaca Itoobiya ee badda, isagoo sheegay in uu ku yimid dareen ah in aysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo ka hortagi kara, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan aqbali doonin ku xadgudubka madaxbanaanida dalka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka kaalinta weyn ay ka qaadatay dhismaha ciidanka oo muhiimad gaar ah u leh dalka iyo kaalmada kale ee ay siiso dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here