Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhiggiisa dalka Turkiga, Mudane Yaşar Güler, ayaa xarunta Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ku yeeshay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta tababarada Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Kulanka oo ahaa mid heer sare ah, ayaa labada mas’uul waxa ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa wada shaqeyn qoto dheer oo gacan ka geysan karta nabadda iyo xasilloonida gobolka. Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xiriirka iyo iskaashiga xooggan ee labada dal uu muhiim u yahay dhanka amniga iyo sidii loo xaqiijin lahaa mustaqbal nabadeed iyo xasilooni leh.
Mudane Nuur, ayaa sidoo kale ku mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto argagixisada, isagoo xusay in taageeradan ay muhiim u tahay xaqiijinta xasilloonida iyo ammaanka Soomaaliya, kuwaasoo kaalin weyn ka qaadanaya horumarinta ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Dhiggiisa dalka Turkiga, Mudane Yaşar Güler, ayaa tilmaamay in dalkiisa uu sii wadi doono taageerada iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca, isaga oo muujiyay sida ay muhiimka u tahay in labada dal ay si wadajir ah uga hortagaan halista argagixisada ee ka jirta gobolka.
Kulankan ayaa lagu wadaa inuu dhiirrigeliyo iskaashi dheeri ah oo dhexmara labada dal, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta ciidamada iyo sare u qaadista tayadooda, taasoo ah mid kaalin muhiim ah ka qaadan doonta difaaca Soomaaliya iyo nabadgelyadeeda.