Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Booqday Xarunta Isbahaysiga Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada

0

Riyaad, Boqortooyada Sucuudi Carabiya — Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta Isbahaysiga Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee xarunta, Jeneraal Maxamed bin Saciid Al-Moghedi.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada wadajirka ah ee la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, ciribtirka argagixisada, iyo horumarinta wada-shaqeynta labada dhinac ee dhinacyada amniga iyo istiraatiijiyadda.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee IMCTC ku leedahay mideynta waddamada Islaamka si loo wajaho khataraha argagixisada, isaga oo adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee arrintan la xiriira.

Booqashada waxaa Wasiirka ku wehliyay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad, Mudane Cabdicasiis Cabdiraxmaan Xasan, Wakiilka IMCTC u fadhiya Soomaaliya, Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Turyare, iyo masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Safaaradda Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamadii aasaasay Isbahaysiga Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada, taasoo muujinaysa doorka firfircoon ee ay Soomaaliya ku leedahay dadaallada heer caalami ee lagula dagaallamayo argagixisada.

May be an image of dais and text

May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here