Muqdisho — Wasiirka Axmed Macallin Fiqi ee Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Ciidanka Cirka Soomaaliyeed munaasabadda xuska 66-aad ee aas-aaskooda, oo maanta si rasmi ah loogu xusayo.
Wasiirku wuxuu si gaar ah u bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ka ciyaaraan difaaqa qaranka, taageeridda hawlgallada lagula dagaallamo argagixisada, samatabbixinta degdegga ah, iyo ka qayb-qaadashada hawlgallada sugidda amniga guud ee dalka.
Sidoo kale, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ku ammaanay geesinimada, hufnaanta, iyo heeganka joogtada ah ee ay muujiyaan ciidamada, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida ay muhiim ugu yihiin ilaalinta iyo difaaca Soomaaliya.





