Laascaanood,Soomaliya – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, kuwaas oo ku sugan difaacyada aagga Guumays.
Kormeerka Wasiirka ayaa ujeedkiisu ahaa qiimeynta xaaladda amniga iyo dhiirrigelinta ciidamada ku sugan furimaha difaaca. Wasiir Fiqi ayaa kulamo la qaatay saraakiisha hoggaamineysa cutubyada kala duwan, isagoo ku bogaadiyay doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga, difaaca dalka iyo adkaynta midnimada Qaranka.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan nabadda, ilaaliyaan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka feejignaadaan waxa uu ku tilmaamay mashruucyo shisheeye oo lagu doonayo kala goynta dalka.
Waxaan aad ugu farxay, iina soo jiitey, in Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ay ka babanayaan Guumays oo dhowr sano ka hor laga diidanaa,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi. “Waxaan rajaynayaa in dabaysha midnimadu ay ku fidi doonto mar aan dheereyn deegaannada weli gacanta ugu jira gooni-goosadka. Soomaalinimadu ha guulaysato.”
Kormeerkan ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto xoojinta amniga, mideynta ciidamada, iyo adkaynta wada-shaqeynta ka dhaxaysa hay’adaha amniga ee federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.




