DOHA – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan la yeeshay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda Milateriga ee Axmed bin Maxamed.
Kulankaas, Wasiirka ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha guusha ay ka gaareen waxbarashada milateri, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo heerka xirfadeed ee ay gaareen. Waxa uu ku dhiirrigeliyay in aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ka heleen kulliyadda ay u adeegsadaan difaaca qaranka, horumarinta CXD, iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la helo saraakiil si heer caalami ah u tababaran, kuwaas oo laf-dhabar u noqon kara dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidanka qaranka.
Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage, oo isna bogaadiyay dadaalka iyo guusha ay gaareen saraakiinta qalin-jabisay.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa howlgallo milatari oo xooggan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaddib markii maalmihii u dambeeyay ay kordhiyeen weerarro ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobollada dalka. Howlgalladan ayaa la filayaa in ay noqdaan kuwo ballaaran, isla markaana lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.




