Wasiirka Gaashaandhigga Sweden oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

0

Muqdisho — Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Maday Nuurey Ufurow, ayaa maanta si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport, Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, Mudane Pål Jonson, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

 

Wafdigan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee labada dowladood ku xoojinayaan iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo booqashadan ay qeyb ka tahay horumarinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada dal.

Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden, Mudane Pål Jonson, ayaa la filayaa inuu yeesho kulamo muhiim ah oo uu la qaadan doono madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, tababarada ciidanka, iyo taageerada farsamo ee Soomaaliya loogu fidinayo.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadli doona qaababka lagu horumarin karo howlaha amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden.

Wasiirka Gaashaandhigga Sweden ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona saraakiil iyo hay’ado kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi waara oo ku saabsan arrimaha amniga iyo difaaca.

Booqashada wafdigan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa dadaallada Sweden ay ka waddo Soomaaliya ee ku aaddan taageerada dhinacyada horumarinta iyo amniga, iyadoo la rajeynayo in iskaashigan uu sii xoojin doono nabadda iyo xasilloonida gobolka.

May be an image of 4 people, aircraft and the Oval OfficeMay be an image of 6 people and aircraftMay be an image of 5 people and aircraftMay be an image of 4 people, suit and aircraft

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here