Wasiirka gaashaandhigga XFS oo diray hambalyo ku aadan xuska 1-da Luulyo

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda sannad-guurada 64-aad ee kasoo wareegtay maalinta xorriyada iyo midnimada Umadda Soomaliyeed ee 1-da Luulyo.

 

“Allaha u naxariisto gobonimo doonkii Soomaaliyeed ee Naftooda u huray halgankii  loogu jiray xoriyadda aan maanta harsaneyno iyo waliba geesiyaasha Soomaaliyeed ee wali naftooda u huraya in ay difaacaan Diinta, Dalka iyo in Dadkeena oo xornimo ku noolaadaan,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca XFS.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo qoraal kooban soo saaray ayaa isna u hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed.

“Hambalyo Dadka Soomaaliyeed munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 64-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii.” ayuu yiri Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here