Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo La Kulmay Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN

0

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Xarunta TUBSAN, gaar ahaan dhinacyada ka-hortagga fikirka xagjirka ah iyo wacyigelinta bulshada, si loola tacaalo khataraha ka dhasha fikirrada rabshadaha wata.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa carrabka ku adkeeyay in la-dagaallanka argagixisada uusan ku koobnayn hawlgal milatari oo keliya, balse ay lama huraan tahay in si isku dhafan loo wajaho dhinacyada fikirka, maaliyadda, warbaahinta iyo bulshada, si loo wiiqo tiirarka ay ku dhisan yihiin kooxaha xagjirka ah.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo qorsheyaasha wadajirka ah ee lagu dardargelinayo dadaallada ka hortagga xagjirnimada, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, people studying, dais and newsroomMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here