Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Odowa Yusuf Raage, ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Madaxa Guddiga Ciidamada Midowga Yurub, Jeneraal Seán Clancy, oo booqasho shaqo ku jooga Soomaaliya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray bogaadinta iyo xoojinta iskaashiga milateri ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada tababarrada ciidamada, sii joogtaynta taageerada kala duwan, iyo horumarinta awoodda difaaca qaranka iyo howlgalka AUSSOM.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta istaraatiijiyadeed ee lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, korna loogu qaadayo kartidooda la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga dalka.
Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro, iyo saraakiil kale oo sare oo ka socday labada dhinac, kuwaas oo qeyb ka qaatay doodda ku saabsan horumarinta iskaashiga milateri iyo amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.






