Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Danjire Ali Onaner, Agaasimaha Guud ee Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Turkiga.
Intii uu kulanku socday, Wasiirka iyo wafdiga Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarka, qalabaynta iyo horumarinta awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sii amba-qaadidda taageerada Turkiga ee ku aaddan dib-u-dhiska iyo tayeynta hay’adaha amniga, iyada oo la adkeynayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.
Waxaa kulanka goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifitaax Cabdulqaadir Faarax, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday labada dhinac.






