Nairobi, Kenya – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa si rasmi ah uga qeybgalay Shirka 24-aad ee Hoggaamiyeyaasha Dalalka Xubnaha COMESA, isaga oo halkaas ku matalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkan oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa si gaar ah diiradda u saaray:
- Xoojinta iskaashiga dhaqaale ee dalalka COMESA,
- Dardargelinta ganacsiga xorta ah ee gobolka,
- Iyo hormarinta hal-abuurka dhijitaalka ah si loo gaaro koboc waara oo loo dhan yahay.
Ururka COMESA (Common Market for Eastern and Southern Africa) waa mid ay ku mideysan yihiin 21 dal oo ka tirsan Bariga iyo Koonfurta Afrika, wuxuuna ujeeddadiisu tahay kobcinta iskaashiga ganacsi, dhaqaale iyo horumarineed ee dalalka xubnaha ah.
Wasiirka ayaa kulanka uga warbixiyay dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto in la xoojiyo ka qaybgalka ganacsiga gobolka iyo in dalka uu ka faa’iideysto fursadaha dhaqaale ee ay bixiso xubinnimada COMESA.




