MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Khaliif Cabdi Cumar, ayaa kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dawladda Indonesia ay u soo magacowday Somalia Dr. Mohamad Hery Saripudin oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal.
Wasiirka iyo Safiirka waxay sidoo kale ka wada-hadleen kor-u-qaadista, fududeynta iyo iskaashiga dhinacyada Ganacsiga iyo sidoo kale Maal-gashiga.
Indonesia ayaa ka mid ah wadamada ugu horreeya ee ay Soomaaliya wax-u-dhoofiso sidoo kalena aynnu muddo dheer la lahayn xiriir soo jireen ah oo la xiriira dhanka ganacsiga.


