Istanbul, Turkiga – Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Turkiga, Prof. Ömer Bolat, intii uu socday Shirweynaha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Turkiga iyo Afrika ee lagu qabtay magaalada Istanbul.
Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ganacsi iyo dhaqaale ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha cusub ee iskaashi ganacsi iyo maalgashi oo dheeraad ah oo labada dal ay ka faa’iideysan karaan.
Wasiir Geesood iyo dhigiisa Turkiga ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii badeecadaha Soomaaliya – gaar ahaan kalluunka, macdanta iyo wax-soosaarka dabiiciga ah – loogu heli lahaa suuqyo gudaha Turkiga, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka iyo lagu dhiirrigelinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Wasiirradu waxay sidoo kale isla meel dhigeen in la dardargeliyo heshiisyada ganacsi ee labada dal hore u wada galeen, iyadoo la abuurayo jawi ku habboon ganacsatada Soomaaliyeed si ay ugu suurtagasho inay si sahlan u galaan suuqyada caalamiga ah, gaar ahaan Turkiga oo ah mid kamid ah saaxiibada istiraatiijiga ah ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta iskaashiga dhaqaale ee caalamiga ah iyo suuq u helidda wax-soosaarka dalka si loo abuuro fursado shaqo iyo horumar waara.




