Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed bin Maxamed Saalax Al-Muwalad.
Intii uu kulanku socday, Wasiirka iyo Danjiraha ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, gaar ahaan arrimaha la xiriira dib-u-dhiska, horumarinta iyo tayeynta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, taageerada horumarineed iyo doorka muhiimka ah ee Boqortooyada Sucuudiga ka qaadan karto dib-u-dhiska Soomaaliya, iyada oo la tixgelinayo xiriirka taariikhiga ah, walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.
Wasiirka Hawlaha Guud ayaa Danjiraha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Boqortooyada Sucuudiga ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo dib-u-dhiska, halka Danjiraha uu adkeeyay ka go’naanshaha dalkiisa ee ku aaddan sii xoojinta iskaashiga labada dowladood iyo taageerada dib-u-dhiska dalka.






