Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Meertada 2-aad ee Shirka U Adkaysiga Aafooyinka Soomaaliya, kaas oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho.
Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu ku dhacay hal-ku-dhigga: “Dhisidda u adkaysiga musiibooyinka iyada oo loo marayo habab bulshadu gundhig u tahay.”
Intii uu socday shirka, waxaa lagu falanqeeyay aragtiyo, cilmi-baarisyo iyo talooyin la xiriira sidii si waara loogu maareyn lahaa musiibooyinka soo noqnoqda ee dalka, sida abaaraha, fatahaadaha iyo duufaannada.
Wasiir Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xiritaanka ayaa sheegay in shirkan uu muhiimad weyn u leeyahay xoojinta iskaashiga dowladeed iyo kan bulshada, si loo yareeyo saameynta musiibooyinka dabiiciga ah.
Wasiirku waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowladeed in ay muujiyaan isku-tashi, qorshe mideysan iyo u diyaar garow hore, si loo dhiso awood dhab ah oo dalka uu ugu adkaysan karo aafooyinka soo noqnoqda ee saameeya bulshada.




