Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda oo la kulmay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

0

Muqdisho, 26 Oktoobar 2025 – Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macallin, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay madaxda sare ee shirkadaha isgaarsiinta dalka, kaas oo lagu falanqeeyay hannaanka horumarinta iyo tayeynta adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya, iyo sidoo kale xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

 

Kulanka oo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo saraakiil sare oo ka kala socday shirkadaha isgaarsiinta, ayaa diiradda lagu saaray heerarka kala duwan ee uu soo maray adeegga isgaarsiinta dalka, caqabadaha jira, iyo hiigsiga guud ee dowladda ee dhanka horumarinta dhijitaalka iyo tiknolojiyadda casriga ah.

Wasiir Maxamed Aadan Macallin ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in la dardargeliyo dhijitaaleeynta dalka iyo dhisidda hannaanno casri ah oo kor u qaada adeegyada isgaarsiinta, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan adeegyo isku halayn leh oo tayo sare leh.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay shirkadaha isgaarsiinta doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin kobcinta adeegyada, iyo sida ay u joogteeyeen isku xirka bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dhankooda, mas’uuliyiinta ka socday shirkadaha isgaarsiinta ayaa soo dhaweeyay dadaalka iyo hoggaanka Wasaaradda, iyagoo bogaadiyay kaalinta ay wasaaraddu ku leedahay hagaajinta iyo horumarinta adeegyada tiknolojiyadda iyo dhijitaalka ee dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ay ku doonayso in lagu hormariyo isgaarsiinta dalka iyo in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo shirkadaha isgaarsiinta, si loo gaaro mustaqbal dhijitaal ah oo ay Soomaaliya ku tallaabsato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here