Wasiirka Isgaarsiinta oo Wafdiga UNOPS Kala Hadlay Horumarinta Adeegyada Dhijitaalka iyo Kaabayaasha Isgaarsiinta

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Macalin, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay ee Mashaariicda (UNOPS), waxaana hoggaaminayay Ala’a Nemer, Agaasimaha Guud ee UNOPS u qaabilsan Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo UNOPS, gaar ahaan dhinacyada adeegyada dhijitaalka ah ee dowladda, kaabayaasha isgaarsiinta, iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada dowladda.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen barnaamijyada socda ee ku saabsan dhijitaalka dowladda, iyo muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo hirgeliyo adeegyada dowladda ee hal-meel looga heli karo (Digital Government Services), si bulshada ay si fudud ugu helaan adeegyada muhiimka ah.

Waxaa sidoo kale laga dooday sidii loo horumarin lahaa:

  • Maareynta xogaha dowladda
  • Isku xirka adeegyada kala duwan
  • Tababarrada lagu kobcinayo xirfadaha shaqaalaha dowladda ee ka shaqeeya ICT-da

Wafdiga UNOPS ayaa dhankooda soo bandhigay fursado lagu taageerayo Wasaaradda, oo ay ka mid yihiin dhisidda kaabayaasha isgaarsiinta, horumarinta nidaamyada dhijitaalka, iyo tababarro la xiriira tiknoolajiyadda casriga ah.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa uga mahadceliyay UNOPS taageerada ay siiyaan Wasaaradda, isagoo xusay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay in la dhiso adeegyo dhijitaal ah oo mideysan, kuwaas oo fududeynaya helitaanka adeegyada dowladda iyo isku xirka hay’adaha dowladda.

Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu ku baaqay in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo qorsheynta mashaariicda teknolojiyadda iyo maamulka dhijitaalka, si Soomaaliya ay uga mid noqoto dalalka si buuxda uga faa’iideysta tignoolajiyadda casriga ah ee kor u qaadda daahfurnaanta, hufnaanta, iyo helitaanka adeegyada bulshada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here