NAIROBI, Kenya – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bihi Iimaan Cige, ayaa si rasmi ah u furay kulanka dib-u-eegista afaraad ee Barnaamijka Kaalmada Dhaqaale ee Waqtiga Dheeraada (ECF) oo ay la leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), kaasoo ka socda magaalada Nairobi, Kenya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaale ee Soomaaliya, horumarka laga gaaray tan iyo markii la bilaabay barnaamijka ECF, iyo xoojinta dib-u-habeynta maamulka maaliyadda dadweynaha (PFM).
Wasiir Bihi Iimaan Cige ayaa sheegay in kulankan uu muhiim u yahay xaqiijinta daahfurnaanta, isla xisaabtanka, iyo sii wadista dadaallada lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.
“Waa fursad muhiim ah oo aan dib ugu eegayno horumarka aan ka sameynay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo maareynta maaliyadda dadweynaha. Waxaan sidoo kale xaqiijin doonaa wadashaqeynta sii socota ee aan la leenahay IMF si aan u gaarno koboc dhaqaale oo waara,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.
Kulanka waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu wado in uu socdo dhowr maalmood.
Barnaamijka ECF ayaa qayb muhiim ah ka ah taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya loogu fidinayo, si loo xaqiijiyo xasilloonida maaliyadeed iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.



