Wasiirka Maaliyadda oo ka qayb-galay shir heer caalami ah oo lagu horumarinayay dhaqaalaha Soomaaliya.

0

Nairobi, 09 December 2025: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa ka qayb-galay shir heer caalami ah oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Nairobi, kaas oo uu soo qaban-qaabiyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya.

 

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, iyada oo lala kaashanayo hay’adaha caalamiga ah ee taageera Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan oo muhiim u ahaa xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee taageera dib-u-dhiska iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, waxaa goobjoog ka ahaa hay’adaha iyo dowladaha taageera Dowladda Soomaaliya, sida Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Midowga Yurub (EU), iyo ergooyin ka socday safaaradaha dalalka si dhow ula shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo dardargelin lahaa horumarinta dhaqaalaha dalka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha dhaqaalaha caalamiga ah, si loo gaaro horumar waara oo lagu taageerayo adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige, oo ay wehelinayeen guddoomiye-yaasha Bangiyada kala ah Bangiga Horumarinta iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo gudubtay marxalado adag oo dhinaca dib-u-habeynta dhaqaalaha ah, isla markaana ay hadda taagan tahay waqtigii laga faa’iideysan lahaa dadaalladii muddada dheer socday.

Wasiirku waxa uu sidoo kale caddeeyay in Guddiga Sare (Board-ka) ee Bangiga Horumarinta, oo dhawaan la dhisay, lagu soo xulay si
hufan, cadaalad ah, isla markaana ku salaysan aqoon, xirfad iyo karti.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa ku bogaadiyay hay’adaha caalamiga ah sida ay u garab taagan yihiin dadaallada lagu hirgelinayo qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya xasilloonida iyo horumarka mustaqbalka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here