WASHINGTON (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS C/raxmaan Ducaale Beyle,ayaa dalka Mareykanka uga qeybgalay kulan ay soo qabanqaabiyeen madaxda Jaamacadda Georgetown oo la xiriiray arrimaha Soomaaliya .
Kulankaasi oo lagu martiqaaday wasiirka,waxa uu ka jeediyay khudbad ku saabsan xaaladda Soomaaliya,gaar ahaan habka dib-u-dhiska dalka iyo barnaamijyada soo kabasho ee laga fuliyay gudaha dalka.
“Sharaf ayey ii tahay in aan khudbad ka jeediyo Jaamacadda Georgetown oo aan madaxda halkaasi la wadaago khibradda aan u leennahay waddada soo kabashada”ayuu yiri wasiir Beyle.
Wadaagidda Macluumaadka iyo Fikradaha wadajirka ah waxa ay had iyo jeer muhiim u yihiin horumarka waara ee lagu faa’iido.